”Waa khalad in la daadiyo DHIIGGA Muslimiinta!” – Al Shabaab oo soo saartay cajalad dad badan ka yaabisay! (Ma qorshihii ayay bedeleen?)

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2019 – Mahad Warsame Abuu Cabdiraxaman oo loo Yaqaan (Mahad Karataay) ayaa soo duubay cod la dhageysan karo illaa 19 daqiiqo oo uu kaga hadlayo howlgaladii ugu dambeeyey oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya iyo Kenya iyo fariimo uu sheegay inuu dirayo dadka Muslmiinta ah.

Mahad Karataay ayaa ugu horeyn ka hadlay weerarkii ay bilowgii sanadkaan Al-Shabaab ku qaadeen Gudaha dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay illaa 50 Ruux, sidoo kalana wuxuu kaga hadlay weerarkii lagu dilay Wadaadkii xirta ku lahaa Gaalkacyo.

“Waxaa mudan In Allaah looga mahadceliyo camaliyaddii Barakeysneyd ee ka dhacday Nairobi laguna dilay tiro Saliibiyiinta iyo Yahuuda ah, Camaliyaddaas Barakeysan ee lagu difaacayayey Muqaddasaatka Islaamka ayaa ahayd mid ka mid ah malxamadaha Casrigan Taariikhda diiwaan galineysay. Waxaa iyaduna xusid mudan camaliyaddii barakeysneyd ee Mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, taas oo lagu dilay Museylamihii Somalia ee Nabinimada sheegtay” ayuu yiri Mahad Karataay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mahad Karataay si kooban uga hadlay cadeymo uu sheegay inay banaanka soo dhigtay weerarkii Gaalkacyo ee muujinayey dabadhilifnimada uu sheegay inay wadaan maamullada ka jira, oo uu ku eedeeyey kuwa ku xiran xabashida Itoobiya iyo Mareykanka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa hubaal ah in maamulka Somalia uu gabbaad hooy iyo difaacba siiyay Ninkii Nabinimada sheegtay, waxa uu usoo gurmaday Cidamadii Mareykanka hoos tageysay ee loo carbinayay la dagaalanka Al-Shabaab, wa murtadiinta iyo gaalada cidda ka tacsiyeysay ama cambaareysay difaacii nabigeena Muxamed salallaahu Caleyhi Wasalam” ayuu yiri.

Xilli ay Al-Shabaab daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayuu Mahad Karataay kula dardaarmay inay Ciidamada Al-Shabaab iska ilaaliyaan dhigga Islaamka, wuxuuna soo qaatay dhawr aadayood, waxayna arrintaan kusoo aadeyso xilli culumo farabadan ay sheegeyn inay Al-Shabaab baneysteen Dhiigga dadka Muslimiinta ah oo ay ku xukumeyn Gaalnimo.

“Qodobka 2aad maadaama Jihaadka iyo loolankan cadowga kula jirno ka aloosanyahay dadkeena Muslimiinta ah dhexdooda, waxaa nala ka doonayaa koow inaan ka taxadirno oo ka fogaano daadinta dhiiga qofka Muslimka ah si xaq daro ah, waxaa xaaraan naga ah inaan fudadeysano dhiiga Muslimiinta, waana inaan ogaanaa halista ay leedahay in la daadiyo dhiig Muslim oo Xaaraan ah” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ogaada dhiiga Muslimiinta oo si ula kac ah loo daadiyo waa dambi weyn oo dib u dhigaya inaan Cadowga ka guuleysano,waxaan aaminsannahay in dhiiga Muslimka ah iyo Maalkiisuba naga yahay xaaraan marnana aanan u qasdin inaan Xaq daro ku daadino”.

Lama oga inay Al Shabaab istaraatijiyaddoodii bedeleen iyo in Muslimka uu sheegayo uu ula jeedo dad gaar ah, balse waxaa la og yahay in weerarrada Al Shabaab ay inta badan ku waxyeelloobaan dad rayid ah oo Muslimiin ah.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media