”Gaagaabso gaaboow!” – Ronaldo oo Florenzi ku shitay + Sawirro

0

(Roma) 13 Maajo 2019 – Laacibiinta Cristiano Ronaldo iyo Alessandro Florenzi ayaa erayo kulul is dhaafsaday kulan dhex maray habeenkii xalaytoole, iyadoo la arkayey jookarka reer Portuguese oo ku maadaysanaya gaabida Florenzi.

Waxay labada laacib ee Juventus iyo Roma ka dheer dheeraatay daqiiqaddii 58-aad, jeer ay socotey ciyaar ka dhacday Stadio Olimpico iyadoo labada laacib lakala jiidey.

Ronaldo ayaa deeto laacibka u ishaaray inuu aamuso maadaama uu aad gaaban yahay, isagoo waxaas oo dhan gacantiisa ku muujinaya, isagoo weliba qoslaya halka ay Flo meel qaraar ka gaartey.

Yeelkeede, daafaca Roma ayaa qosolka ku dambeeyay kaddib markii uu gool qurux badan dhaliyey si uu Roma uga caawiyo rajadeeda Champions League kaddib markii ay 2-0 dirtay kooxda Ronaldo.

Hadalsame Media