Askar Ugandese ah oo isku dishey Xalane (Arrintani ma aha mid ku cusub Ciidamadaasi)

0

(Muqdisho) 13 Maajo 2019 – Wararka naga soo gaaraya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo saldhig u ah beesha caalamka iyo AMISOM ayaa tibaaxaya inay halkaa isku khaarajiyeen askar Ugandese ah.

Askari ka caroodey taliyihiisa ayaa la sheegay inuu rasaas furay, taasoo keentay inay halkaa ku xijaabtaan afar askari, iyadoo uu sidoo kale is diley askarigii dilka gaystey.

Brig Richard Karemire, Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda, oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa intaas raaciyay in ay iminka baaritaan ku bilaabeen kiiskan la yaabka leh oo ah noocii ugu horreeyay ee laga soo sheego ciidamada AMISOM.

Weli ma cadda sababta mucayinka ah ee ay arrintani salka ku hayso, sidoo kalena weli lama sii daynin magacyada askarta shilkan ku lugta leh.

Arrintan ayaan guud ahaan ahayn mid ku cusub ciidamada Uganda iyadoo ay kiisas badan oo noocan ihi ay ka dheceen dalka Uganda, iyagoo isu dila arrimo badan oo ay xitaa ku jiraan haween ay isku haystaan, xiriir jacayl xumaaday iwm.

Bishii Diseembar 2012, Herbert Rwakihembo oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska Uganda ayaa khaarajiyey xaaskiisii iyo dad kale.

2013 askari ka tirsanaa Guutada 7-aad ayaa diley gabar ay saaxiibbo ahaayeen kaddib markii ay murmeen, isla sanadkaasi Pte Patrick Odoch ayaa 90-sano lagu xukumay kaddib markii uu laayay 11 qofood oo rayid ahaa.

2016, Isaac Obua ayaa dugsi tababar ciidan ku khaarajiyey 7 kale oo ardayda ka mid ah.

Pte Newton Okello ayaa 2018 waxaa lagu xukumay 80-sano oo xarig ah kaddib markii uu diley haweenay xaamilo ahayd.

 

Hadalsame Media