”Guursada laba XAAS ama waa xabsi” – Boqorka Swaziland oo soo gaaray go’aan la yaab leh

0

(Eswatini) 13 Maajo 2019 – Boqorka Swaziland Mswati ayaa isagoo ku sugan caasimadda dalkiisa ee Mbabane waxaa uu ku dhawaaqay in raggu ay guursadaan laba xaas iyo wax ka badan, haddii aysan raggu sidaasi sameynin waxay gali doonaan xabsi.

Boqor Mswati ayaa ka digay in nin ama naag kasta oo ka soo horjeesta go’aankan “uu wajihi doono xukun xabsi daa’in ah”.

Boqorka ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa Swaziland uu wajahayo xaalad aad u adag, taasoo ah in haweenku ay aad uga badanyihiin ragga, sidaa daraadeed, ragga Swaziland waxaa laga rabaa oo laga rajeynayaa ayuu yiri in ay guursadaan xaasas badan, si haweeney kasta ay nin u hesho.

Boqorka dalka Swaziland ayaa waxaa uu qabaa 15 xaas waxaana uu leeyahay 25 carruur ah, halka aabihii oo ahaa boqorkii isaga ka horeeyay uu qabay inkabadan 70 xaas iyo sidoo kale carruur tira ahaan ka badan 150.

Waxaa Diyaariyey: Cabdikariin Mursal Faarax

Hadalsame Media