Laba markab oo uu Sucuudigu leeyahay oo weerar lagu qaaday, Wakaaladaha

0

(Riyaad) 13 Maajo 2019 – Sucuudiga ayaa sheegay in weerar kharbudaad ah lagu qaaday laba markab oo ay Sucuudigu leeyihiin oo ah nooca saliidda qaada kuwaasoo lagu weeraray xeebaha ka baxsan Imaaraadka, sida ay werinayso Wakaaladda Anadolu.

Wasiirka Tamarta, Khalid al-Falih, ayaa sheegay in weerarka oo maanta dhacay uu “burbur xooggan” u gaystey qaab dhismeedka maraakiibta, balse aanu sababin khasaare nafeed ama saliid daadata, sida uu sheegay nin ka tirsan Wakaaladda SPA ee Sucuudiga.

Weerarkan waxaa loola dan leeyahay “in lagu wiiqo xorriyadda bad maridda iyo amaanka saliidda loo dhoofinayo caalamka,” sida uu sheegay Wasiirku.

Labada markab midkood ayaa saliid qeeriin u sidey dalka Maraykanka, balse Sucuudigu ma aanu sheegin cidda weerarkan ka dambaysa.

Arrintan ayaa imanaysa maalin uun kaddib markii sidoo kale shalay weerarro loo gaystey maraakiib joogtey dekedda Fujayrah ee Imaaraadka.

 

Hadalsame Media