”Waa la xiriiri doonnaa!” – DF Somalia oo jawaab jilicsan siisay Kenya oo markale qaadday tillaabo san ka taabad ah!

0

(Muqdisho) 11 Maajo 2019 – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan.

Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

” Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay
dowladdaKenyaeeahinduullimaadyadiitooskaahaaeeMuqdishoiyoNayroobimaanta
loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu
saarayodhaqdhaqaaqamuwaadiniintaSoomaaliyeed.

”DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab.

”DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa
tallaabadakuhabooneeayqaadeyso.” ayaa lagu soo afjaray warka kasoo baxay DF.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa jawaabtan ku tilmaamay mid jilicsan oo calaacal ah, maadaama ay beri dhowayd labada dal ku heshiiyeen in la dejiyo xasarad diblomaasiyadeed oo ay Kenya iskeed u bilowday markii ay soo cayrisey Danjiraha Somalia.

Dadkaasi waxay jawaabta markan Kenya ku habboon u arkaan in la joojiyo Qaadka gebi ahaanba, xitaa haddii ay gobollada qaar joojin waayaan, Muqdisho hallaga joojiyo, waayo waa suuqa ugu wayn Qaadka Kenya.

Hadalsame Media