Indonesia oo dadka SUXUURTA ugu toosinaysa dayuurado dagaal + Sawirro

0

(Jakarta) 11 Maajo 2019 – Sida lagu baahiyay barta ay Twitter-ka ku leeyihiin taliska Ciidamada Cirka Indonesia, dayuuradaha dagaalka ayaa loo adeegsan doonaa in dadka suxuurta loogu toosiyo.

War ay soo dhigeen koontada Twitter-ka ee @_TNIAU, Ciiddamadda Cirku waxay ku dhawaaqeen in dayuuradaha tababarka ee dagaalku ay dul haadi doonaan jaaa’irka Java sida; Surabaya oo ku taala Java-da bari, Surakarta, Klaten iyo Sragen oo iyaguna ku yaala bartamaha Java iyo sidoo kale Yogyakarta, si loogu faa’iideeyo dadka saa’imiinta ah, sida ay sheegeen.

“Haddii Alle yiraahdo, waxaannu amba qaadi doonnaa dhaqanka suxuur u kicinta annagoo adeegsanaysa dayuurado dagaal,” ayuu u akhrismayay tweet-ku

Gaashaanle Sus M. Yuris oo ah Afhayeenka Ciidamada Cirka dalkaasi Indonesia, ayaa sidoo kale sheegay in  Ciiddamada Cirku aysan wax tababar ah samayn doonin bisha Ramadaan.

Ciidamada Cirka ayaa soo kicin doona dhowr dayuuradood oo jawi hoose ku duulaya si ay hurdada uga baraarugaan dadku waqtiyada suxuurta.

Hadalsame Media