BBC oo shaqada ka cayrisey weriye cunsuriyad kula kacay wiilka ugu yar Boqortooyada Britain

0

(London) 09 Maajo 2019 – Weriye BBC ka tirsan ayaa la cayriyay kaddib markii uu Twitter ku wadaagey sawirka daanyeer chimpanzee ah oo khuseeya wiilka yar ee haatan kusoo biiray qoyska reer boqor ee u dhashay Meghan, Duchess of Sussex, iyo odaygeeda Prince Harry.

Danny Baker, oo ah 61-jir ka tirsan BBC Radio 5 Live, ayaa maanta la eryey kaddib markii uu Twitter soo dhigay sawirka lamaane gacanta ka haya chimpanzee lebisan isagoo raaciyey kabshan u akhrismaya: “Wiilka boqortooyada oo isbitaalka ka baxaya.”

Tweet-kan ayaa kusoo beegmay sawir ay Harry iyo Meghan soo dhigeen oo ah cunugooda yar ee loo bixiyey Archie Harrison Mountbatten-Windsor.

Baker ayaa raalli gelin bixiyey isagoo ku andacdoodey inuu kaftamayey isagoo tiray tweet-kii, balse BBC oo sawirkan ku tilmaantay mid cunsuri ah ayaa shaqadii ka cayrisey.

Arrintan ayaa waxaa ku jira duurxul ku socda dadka madow, maadaama ay Meghan tahay gabar ay dhashay hooyo madow ah.

Hadalsame Media