SABABTA FASHILKA: Shirka Garoowe dan guud & mid maamul-goboleed toona laguma gorfaynayn!

0

(Garoowe) 11 Maajo 2019 – Waxaa todobaad kusii dhow shir ka socdey magaalada Garoowe, kaasoo ay wada fadhiyeen madaxda DF Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada, kaasoo ugu dambayn burburay.

MAXAA FASHILKA KEENAY?

Sida aannu warka ku heleeyno halkii shirka lagaga doodi lahaa arrimo qaran iyo qorshayaasha soo aaddan, waxaa shirka hareeyay dano gaar ah, sida madaxda maamullada qaarkood oo waqti kororsi doonayay, khilaafyo shakhsiyaysan iwm.

Tan ugu darani waxay ahayd in wixii ku saabsan muddo kordhin iwm uu nin walba ula tago baarlamaanka maxalliga ah ee maamulkiisa ee aanay ahayn arrin khuseeysa shirkan, haddii uu dhibku ka dhex jiro isla baarlamanka sida haysata Galmudug waa in loo qabtaa shir gudeed turxaan bixin ah.

Waxaa kale oo ay dad badani saluugayaan madaxda maamullada oo qaadanaya door ay iska leeyihiin labada aqal ee sharci dejinta, iyagoo horay ka qooranaya howlo aan iyaga khuseeynin, halka la oran karo gebi ahaanba waa gefsan yihiin xilkii loo doortay oo ah inay wax ka qabtaan gobollada ay maamulkooda sheeganayaan oo qaar badani aysanba ka wada talin.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhanka kale quus iyo daal ka muujinaya khilaafyada aan dhamaanayn ee ay lasoo taagan yihiin madaxda maamullada oo iminka u muuqda kuwo buuxinaya doorkii hoggaamiye kooxeedyadii hore, iyadoo uu nin walba jeebka ku ritey hay’adihii maamulkiisa sida baarlamankii, maxkamadihii iwm.

Qaar kale ayaa DF Somalia ku eedaynaya talo xumo iyo hoggaan xumo, iyagoo qaba inay mar hore ahayd in arrimahan la xalliyo iyo inay khalad tahay inay wada tagaan Garoowe, iyagoo si cad runta ugu sheegin in gobolladu ay wakiillo ku leeyihiin DF, sidaa darteed aan loo baahnayn in tillaabo kasta dood la geliyo, beryahan waxaa xitaa doodda maamullada soo galay waxyaabo ay ka mid yihiin XAJKA, taasoo ay dad badani la yaabeen waxa Xajkiina siyaasad ka galay.

Isku soo duuboo shirka Garoowe wuxuu u fashilmay inaan lagu qaban dood u qalanta dad intaa le’eg oo shir iskugu yimid oo laga sugayay masiir umadeed inay warkooda kusoo koobaan ”maxaan helayaa anigu” taasoo ah nasiib darro ku dhacday siyaasadda Somalia oo haatan 30 sano calowsan.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay dantooda gartaan oo aysan ku sirmin kala raacista dad kaliya tooda eeganaya oo aan lahayn garasho, garawshiyo, garaad iyo aragti meel fog gaaraysa, balse kaliya eeganaya wixii galabtaa isaga soo gelaya.

Tifaftirka Hadalsame Media