FIORENTINA VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Firenze) 11 Maajo 2019 – Waxaa caawa magaalada Firenze ku ballansan labada kooxood ee Fiorentina vs AC Milan, jeer ay kooxda Gattuso cayrsanayso kaalinta 4-aad ee CL.

Dhanka Viola: Ceccherini ayaa qalbiga daafaca ka bedelaya Pezzella oo dhaawacan. Khadka dhexe Gerson ayaa illanaya kabaha Veretout oo ganaaxan. Waaxda weerarka waxaa jaal ku noqonaya Chiesa, Muriel iyo Mirallas.

Dhanka Milan:  21 ee kulanka Florence waxaa ka mid ah Biglia, balse tarabuunka ayuu ka daawanayaa. Khadka dhexe waxaa soo noqonaya Bakayoko oo la kaydiyey kulankii Bologna, waloow uu fursad heli karo Mauri. Romagnoli ayaa isna ganaaxii kasoo laabtay, halka Calhanoglu uu dhexda buuxin doono maadaama uu Paqueta maqan yahay. Borini ayaa baalka midig uga cad cad Castillejo.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 33 BRANCOLINI, 23 TERRACCIANO, 16 HANCKO, 2 LAURINI, 6 NORGAARD, 14 DABO, FERRARINI, ANTZOULAS, 28 VLAHOVIC, 19 MONTIEL, 9 SIMEONE, KOFFI
  • 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 17 ZAPATA, 12 CONTI, 4 MAURI, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 63 CUTRONE, 7 CASTILLEJO

GANAAXAN

  • Veretout (2)
  • Paquetà (3)

AAN LA HELI KARIN

  • Pjaca, Pezzella
  • Bonaventura, Calabria, Caldara, Biglia

Hadalsame Media