Shaneemo booskii fadhiga JIIF la dhigay oo Switzerland laga furay + Sawirro

0

(Spreitenbach) 11 Maajo 2019 – Aragti cusub ayaa lagu soo kordhiyey shaneemooyinka, ugu daraan dalka Switzerland, kaddib markii halkaa laga furay nooc cusub oo ay yaallaan sariiro lamaanan, halkii kuraasi caadi ah laga dhigi lahaa.

‘VIP bedroom’ waxaa la dhigay Shaneemada Cinema Pathé oo Khamiistii laga furay magaalada dhacda woqooyi galbeed ee Spreitenbach oo u dhow xadka Swiss-German-ka.

Shaneemada oo bixinaysa adeegyo ay ka mid yihiin Netflix iyo Amazon Prime, ayay maamulkeedu meesha ka saareen wakaac dhanka faya dhowrka ah iyo inay howlo aan haboonayni meesha ka dhacaan.

Venanzio Di Bacco, Agaasimaha Guud ee Pathé Switzerland, ayaa webka maxalliga ah ee 20 Minuten u sheegay in go’yaasha la bedelayo dhamaadka filim kasta, isagoo sheegay in qaabkan la tijaabiyay.

Hadalsame Media

Facebook Comments