”Uma shaqayso dadka Maraykanka!” – Munaafaq wayn oo weerar kusoo qaaday Ilhaan Cumar (Daawo)

0

(Adelaide) 11 Maajo 2019 – Maxamed Toowxiidi waa nin sheegta inuu Imaam Yahay oo fadhigiisu yahay magaalada Adelaide ee dalka Australia ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo uu sheegay inaysan ka shaqaynin maslaxada dadka Maraykanka ah, balse ay ”argagixiso taageerto!”

Wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar aysan dadka u adeegayn oo aysan marna ka hadlin dhaqaalaha iyo waxbarashada, balse ay lacago u ururiso CAIR, oo uu ku sheegay urur liiska argagixisada ugu jira Imaaraadka.

Yeelkeede, CAIR waa jamciyad ilaa 1994-kii ka jirtey Maraykanka oo ay aqoonsan tahay dowladda Maraykanku, sidoo kale Ilhaan Cumar doodaha ugu badan waxay kusoo qaadataa in lacagaha Maraykanka uga baxaya dagaallada loo weeciyo dhinaca adeegyada bulshada.

Waa ayo ninkani?

Ninkan oo ah nin ku dooda inuu yahay ”isbeddel doon Muslim ah” ayaa waxyaabaha uu soo jeediyo waxaa ka mid ah in Islaamka wax badan laga bedelo, in la tuuro kitaabo ay ka mid yihiin Saxiixul Bukhaari, in la xiro iskuullada iyo dugsiyada ku yaalla galbeedka.

Wuxuu sheegay in cuntooyinka XALAAL lagu qorayo ay dhaawacayso hab nololeedka galbeedka, wuxuu soo jeediyay in la joojiyo masaajidda halkaa laga dhisayo iyo in dhulka Falastiin ay Yuhuuddu leedahay.

Ninkan oo u nisba sheegta Shiicada loo yaqaanno Imaamiyiinta ama Ithnaa Cashariyada ayaa soo jeediyay in la xiro nimanka Australia ku qaba wax ka badan hal xaas, isagoo haweenka galbeedka u jeediyay inaysan madaxa daboolanin marka ay tagaan dhulalka Muslimiinta.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media