DAAWO: Wiil yar oo ciyaar ku dhex qabsaday jid wayn oo ku yaalla magaalada JIDDAH (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Jiddah) 11 Maajo 2019 – 14-jir Sucudiyaan ah ayaa lagu xirey magaalada Jiddah kaddib markii uu baraha bulshada xulay sawir muujinaya isagoo ‘Macarena dance’ ku dheelaya bartamaha jid mashquul ah.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa wiilka yar oo dhex taagan jidka wayn ee Amiir Mohammed bin Abdul Aziz Street, xilli ay gawaaridu taagan yihiin iyagoo sugaya samaafaha oo u shiday nalka cas, isagoo ku ciyaaraya heestii 1990-kii hit-ka noqotay ee ‘Macarena’.

Dadka ayaa jawaabo isku dhafan ka bixiyey muuqaalka oo ay qaar u arkeen mid uu wiilku ku muujinayo ixtiraam darro, halka ay qaar kale ku sheegeen baashaal iska caadi ah.

Lama caddayn karo xilliga uu muuqaalkani soo baxay balse marka la eego mareeg ku xiran Twitter-ka, wuxuu u noqonayaa 2016-kii, balse haatan ayuu kusoo laabtay baraha bulshada.

Halkan hoose ka dheeho…

Hadalsame Media