DAAWO: Shiinaha oo sameeyay ”weriyeyaal” robot-yo ah oo toos warka u AKHRINAYA!!

0

(Beijing) 11 Maajo 2019 – Sida ay faafisay wakaaladda Xinhua News Agency waxaa suuragashay in markii ugu horreeysey taariikhda uu robot TV war ka akhriyo kaasoo ku shaqaynaya waxa loo yaqaanno ”caqliga macmalka” ah ee AI, waana ”gabar” magaceeda la yiraahdo Xin Xiaomeng.

Waxaa midkan ka horreeyay Qiu Hao, oo ”lab” ahaa kaasoo durba akhriyey 3,400 oo warbixin isla markaana shaqeeyay 10,000 daqiiqo oo shaashadda ka hadlayey.

Waxaa weli lagu wadaa howlo dhamaystir ah iyadoo lala kaashanayo matoorka Chinese-ku interner-ka wax uga baaraan ee Soguo iyadoo ay Xin si rasmi ah shaqada bilowday bishii Maarso 2019.

Xinhua iyo Soguo ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in la dhisay nooc kale oo la yiraahdo Xin Xiaohao, kaasoo samayn kara wax u eg suul dhabaalays dabiici ah sida gacmaha oo uu dhaqaajinayo, inu istaagi karo ama dhaqaaqi karo si ka firfircoon Xin Xiaomeng ama Qiu Hao.

Hadalsame Media