Gabar Master diyaarinaysey oo mar qura PhD loo dallacsiiyey! (Arrin naadir ah oo ay samaysay)

0

(Druban) 11 Maajo 2019 – Gabar Master ka diyaarinaysey maadada Biotechnology kuna nool South Africa ayaa thesis ay qoreeysey wuxuu mar qura u bedeley PhD kaddib markii lala dhacay quruxda, bayaanka iyo tayada qoraalkeeda.

Gabadhan oo la yiraahdo Ghaneshree Moonsamy isla markaana dhiganaysey Jaamacadda Durban University of Technology (DUT) ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee ay arrintaasi u suuragasho guud ahaan qaaradda Afrika, sida lagu qoray webka jaamacadda DUT.

Gabadhan PhD u dallacday jeer ay Master sugaysey ayaa dhiga ayaa la sheegay inay la yara daahday diyaarinta thesis-ka, balse ay lasoo shir tagtay qoraal aad loola dhacay oo dhan kastaba ka dhisan.

Hadalsame Media

Facebook Comments