YAAB: ”Maydkayga ISII!” – Nin dhintay oo ay maydkiisa soo doonteen 4 naagood oo uu kala QARINAYAY + Sawirro

0

(Kirinyaga County) 09 Maajo 2019 – Qalalaase ayaa ka oogmey goob agaasinta duugta oo la yiraahdo Kirinyaga County Funeral Parlour xalay fiidkii, kaddib markii ay goobta yimaadeen 4 haween ah oo wada doonaya inay mayd goobta yaalley wada qaataan si ay u aasaan, iyadoo ay midoodba sheeganayso inuu ninkeeda ahaa.

Ninka geeriyoodey oo ahaa 32-jir la oran jirey Peter Mwangi Gichobi, ayaa ahaa darawal bodaboda, kaasoo 28-kii Abriil ku geeriyoodey shil ka dhacay jidka Nyangati-Embu.

Afarta ”xaas” ee u yimid inay maydkiisa qaataan ayaa kala ah: Janet Wambui oo ka timid Kagio; Lydia Wanjiru oo reer Kutus ah; Susan Wakuthii oo kasoo jeedda Ngurubaini, iyo gabadha 4-aad oo deggan Kimbimbi balse aan magaceeda la helin, kuwaasoo uu ninka dhintan kala qarinayay.

Isku day lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo si midood loo siiyo maydka ayaa ku dhamaaday dagaal iyo is mari waa, waxaana goobta ka dhacay dagaal bisadeed gacmaha la isula tegey oo ay dhaawacyo ka dhasheen.

Booliiska tabeellaha Kerugoya ayaa deeto loo yeerey kuwaasoo ay khasab noqotay inay kala dhex galaan haweenka.

Maamulkii goobta lagu diyaariyay naxashka maydka ayaa markii dambe soo saaray go’aan ah in ay maydka kaliya siin doonaan qoyska uu dhiig ahaan kasoo jeedo ninka dhintay.

Waxaana markii dambe maydkii lagu wareejiyay ninka dhintay adeerkii Stanley Ngigi, si loogu aaso tuulada Ngomongo Umbui Village oo ka tirsan Kirinyaga Central Constituency, Kenya.

Hadalsame Media