XOG: Antonio Conte oo qarka u saaran kooxda Inter Milan, Sky

0

(Milano) 09 Maajo 2019 – Sida uu faafinayo hilinka Sky Sport Italia, kooxda Inter Milan ayaa qarka u saaran inay qaadato macallinka Antonio Conte.

Sida uu Sky sheegayo ‘xushmada qotada dheer’ ee u dhaxaysa Conte iyo Agaasimaha Guud ee Inter ee Beppe Marotta, oo lagu daray ‘mashruuca adag’ ee ay la diyaarka tahay kooxda Suning Group, ayaa is qaadanaya.

Macallinkii hore ee Chelsea iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale lala xiriirinayey kooxdiisii hore ee Juve, balse Sky ayaa ku adkaysanaya in aanu xitaa jirin wax wada hadal ah oo dhexmaray, xitaa telefoon.

Waxaa intaa dheer, qaabkii ay ku kala tageen xagaagii 2014, ma aha mid weli laga xaalay oo laga heshiiyey’ iyadoo uu Conte eed ka tirsanayo Madaxwayne Andrea Agnelli.

Yeelkeede, Sky ayaan meesha ka saaraynin in ay daqiiqad kasta soo rogaal celin karto Old Lady, balse wuxuu middaa ku tibaaxay ‘arrin aad u adag’.

Hadalsame Media