QAAC & QARAX LA’AAN: Maraykanka oo gantaal gaar ah u samaystay dalal ay Somalia ku jirto!

0

(Washington, DC) 09 Maajo 2019 – DF Maraykanka ayaa samaysatay gantaal qarsoodi ah oo aan ”qarax, firir iyo holac” toona lahayn balse toogtiisu aysan caadi ahayn iyadoo loogu tala galay in lagu yareeyo waxyeellada dadka aan bartilmaameedka ahayn iyo rayidka, sida uu qorayo Wall Street Journal.

“Waa gantaalka aadka loo yaqaanno ee Hellfire oo kale oo wax badan laga bedeley. R9X waxaa loogu tala galay inuu 100 rodol oo bir ah ka dhex dusiyo gawaarida iyo dhismayaasha si uu bartilmaameedkiisa u dilo, isagoon wax yeelin dadka iyo hantida u dhow”, ayuu yiri sarkaal la hadlay WSJ.

R9X ayuu sheegay in loo naqshadeeyay in lagu weeraro argagixisada oo uu sheegay in ay “ku dhex dhuuntaan haweenka iyo carruurta si aan loo gaarin” wuxuuna wargaysku sheegay in Pentagon iyo CIA ay horraanba hubkan isticmaaleen.

Gantaalkan ayaa la sheegay in la adeegsaday ugu yaraan laba jeer: Mar Suuriya ah Febraayo 2017, iyo mar Yemen ah bishii Janaayo 2019, iyadoo loo qorshaynayo dalal ay Somalia ku jirto.

Gantaalka Hellfire, waa mid wax yar ka wayn 5 cagood (mitir iyo bar), culayskiisuna waa ilaa 100 rodol (45kg), wuxuu caadiyan ka tagaa firir iyo holac uu ka horreeyo dayaan wayn oo qaraxiisa ka dhasha, balse R9X waxaa oo dhan ma laha.

Maraykanka ayaa lagu eedeeyaa inuu dad badan oo rayid ah ku laayo weerarrada uu ka gaysto dalal ay ka mid tahay Somalia, iyadoo samaynta gantaalkan la bilaabay waagii Barack Obama.

Dalalka kale waa Pakistan, Iraq, Syria iyo Yemen oo kulligood ah dalal Muslim ah oo ay dhibaato ku hayaan kooxaha xag-jirka ah oo u nugleeyay in si fudud loo weeraro dalalkaasi.

Hadalsame Media