DAAWO: Ciidamada Ruushka oo maanta loo rigeeyay maamuuska Maalinta Guusha + Sawirro

0

(Moscow) 09 Maajo 2019 – Ciidamada Ruushanka ayaa maanta xusay Maalinta Guusha iyagoo cududooda kusoo bandhigay Fagaaraha  Red Square.

Ciidamada Ruushka ayaa soo bandhigay gaardis ku dhisan dishibiliin sare iyo ciidamo ku hubaysan agab ciidan oo casri ah oo uu isagu samaystay.

Maajo 9 waa mid ka mid ah maalmaha qaran ee ugu muhiimsan taariikhda casriga ah ee Ruushka, waayo waa maalintii ay ka adkaadeen Nazi-gii Jarmanka oo mar sigay inuu iyaga qabsado Dagaalkii 2-aad ee Adduunka, iyadoo maalintan lagu maamuuso askartii Ruushka difaacdey ee dagaalkaa ku dhimatay, isla markaana lagu soo bandhigo awoodda ciidan ee Ruushka.

Millateriga Ruushka ayaa sanad kasta bandhiggan kusoo kordhiya sheek ku cusub cududda ciidamada, waxaana waxyaabaha sanadkan cusub ka mid ah gaariga cusub ee Aurus Cabriolets oo loo sameeyay saraakiisha ciidamada dalkaasi iyo Madaxwayne Putin oo xafladdan ka khudbeeyay.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media