FAALLO: Somalia uma baahna inay shirar badan ka qayb gasho ee waxay u baahan tahay QORSHE SIYAASADEED dibadeed (Farriin ku socota DF Somalia)

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2019 – Sida lagu yiri war kasoo baxay WAD Somalia, Agaasimaha Aasiya iyo Australia ee Wasaarad Dibadeedka Somalia, Md. Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia, Md Qin Jian.

Muhiimadda kulankaasina wuxuu kaliya ku qotomey in Wasaaradda la guddoonsiiyo casuumaad ay kaga qayb geleeyso kulanka heerka wasiir ee Madasha Afrika iyo Shiinaha ee China-Africa Cooperation (FOCAC) oo Juun lagu qabanayo Shiinaha.

Waxaa kasii horreeysey inay Wasaaraddu ka qayb gashay shirkii Jaamacadda Carabta iyo midkii Ruushka iyo Carabta, balse wax haba yaraatee Somalia dal ahaan uga soo kordhay aysan jirin.

Waxaa deeto intaa la raaciyey erayo inta badan soo noqnoqda sida waxaa laga wada hadlay xiriirka labada dal iyadoo aan la sheegaynin qaybta gaarka ah ee laga wada hadlay, mashaariicda la isla soo qaaday, ballan qaadka la helay, goorta la fulin doono iwm.

Ogoow marka aad shir qaaradeed ama mid gobol ka qayb geleeyso muhiimad gaar ah dal ahaan goobta kuma lihid, balse marka ay shirayaan Somalia iyo Shiinuhu waa arrin culays gaara leh, inta badan se ma aragno cid Somalia ka socota oo u safraysa shir ay iyadu HINDISTEY, laakiin hebel baa safraya oo CASUUMAD helay waa aragnaa.

Somalia oo ah dal 40 sano dib u socdey ayaa u baahan siyaasad hal abuur iyo hal curin leh oo loola tago cid kasta, sidaa darteed, wasaaraduhu (tan oo qura maahane) waa inay la yimaadaan qorshe iyo mashaariic cad cad oo ula tegayaan dalalka waawayn ee wax nagu tari kara, si loo karaariyo soo kabashada dalka iyo dib u dhiskiisa.

Haddii se ay sheekadu iska noqoto inuu Wasiir kasta ka fikiro inuusan hal shir dhaafin inta uu xilka hayo wax lagu tilmaami karo DALXIIS oo kale, laakiin uusan wax muuqda dalka usoo kordhin inta uu joogo waa siyaasad gurracan oo u baahan dib u eegis, waayo siyaasadda dibeddu waxay laf dhabar u tahay guulaysiga ama guuldarraysiga dal.

Qiyaas halka ay muddo gaaban ku gaareen Koonfurta Kuuriya, Singapore, Malaysia iwm, waxay ku gaareen lahaanshiyaha qorshe siyaasad deggan oo dibadeed (fixed foriegn policy), oo uu wehliyo dadaal, dhidid, aragti, ka faa’iidaysiga fursad kasta iyo waxbarasho.

Tusaale ahaan, Turkiga oo ah dal Somalia u muujiyey heellanaan badan isla markaana mashaariic badan u ballan qaaday, haatan wuu iska gaabsaday, sababtuna maaha inuu dhibku dhankiisa ka imanayo, balse waxaa dhacday laba arrimood:

1 – Waxaa la qabyaaladeeyay waxqabadkiisii, iyadoo lagu yiri ”qolo gaar ah” ayaad wax u qabanaysaa taasoo qayb ka ah siyaasadda ”ALOOW NA GUB” (zero-sum game) ee Soomaalidu isku fayla gooynaysey tan iyo muddo dheer, halkii loola tegi lahaa mashaariic cusub oo la oran lahaa tan iyo taas ma noo maalgelin kartaa ama ma noo fulin kartaa? Iyadoo lasoo dhowaynaynay wixii tuulo Somalia ku taalla usoo kordha.

2 – Waxaa nasoo gaaraya inaan laga daba tegin mashaariicdii uu ballan qaaday oo uusan arag cid faylal sidata oo ka doonaysa inuu fuliyo ballan qaadkiisii.

3 – Waxaa jirta arrin kale oo waxaaba ka daran oo ah in dal kasta oo wax nala qaban lahaa (Turki qura maahee), uu dareemo jiritaanka musuq iyo kala goosi wax kasta ceeriinka lagu qaybsado, haddii ninkii ruqada joojinteeda lahaa uu dabada kaga taagan yahayna dabcan cidina istaajin mayso.

Dabcan, arrimahan hallugu noqdo oo si ay dowladnimadu u xoogaysato waa in la helaa hay’aad karti leh oo qorsheyaal degsada kaddibna ku dhaqaaqa, balse shir laga qayb galo iyo sii soco soo soco waa sheeko laga soo daaley oo muujinaysa han iyo aragti yari.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media