”Goorma ayuu MASJIDKU ugu dad badan yahay!” – Nin laga qabtay masjid ay Soomaalidu u badan tahay oo ku yaalla Gothenburg

0

(Gothenburg) 08 Maajo 2019 – Sida ay qoreen Aftonbladet iyo wakaaladda Ekot, nin ayaa la qabtay kaddib markii uu tegey masjidka wayn ee Bellevue oo woqooyiga Gothenburg, isagoo jamaacada waydiinayay goorta uu masjidku ugu dad badan yahay.

Booliiska Sweden qaybta galbeedka oo tuhunsan inuu ninkani weerar halis ah qorshaynayay ayaa dadka u tilmaamay xafiiska dacwad oogaha degmada Gothenburg.

”Waxaa lasoo qabtay Talaadadii,” ayuu yiri Filip Annas, oo ah ninka saxaafadda ugu qaybsan Booliiska.

Ninkan ayaa markii dib loo raacay waxaa barihiisa bulshada laga soo helay inuu yahay nin muujista nacayb ba’an oo uu Muslimiinta u qabo, gaar ahaan baraha bulshada, sida lagu qoray Aftonbladet.

Waxaa sidoo kale baaritaan lagu sameeyay gurigiisa oo laga soo helay qori nooca darandoorriga ama baaska u dhaca ah, sida uu sheegay wargayska GP oo qaba inuu ninkani doonayay inuu weeraro masjid oo dad ku laayo.

Yeelkeede, goor dhowayd ayaa ninkaasi la sii daayay. ”Hubka aannu gurigiisa kasoo helnay oo markii hore u muuqanayay mid run ah, markii aannu baaritaan ku samaynay wuxuu noqday boombale,” ayuu yiri madaxa dacwad oogista Karl-Erik Espoo oo la hadlay GP.

Booliiska ayaa se sheegay inuu ninkani weli sii ahaanayo la tuhunsane il gaar ah loo yeelan doono, sida uu sheegay dacwad oogaha, waloow sii dayntiisu ay dad badan ka yaabinayso.

Hadalsame Media