ERDOGAN: Mid kamid ah Hoggaamiyaasha dunida kuwooda ugu saamaynta & waayo-aragnimada badan.

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2019 – Rajab Tayyib Ahmed Erdogan waxaa uu ku dhashay xaafadda kasimpasa magaalada Istanbul February 26, 1954, isagoo ka dhashay qoys dan yar ah. aabihiis waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidammada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga.Yaraantiisii waxaa cabitaan iyo bur ku iibin jiray Waddooyinka Istanbul si uu lacag uu kaga helo, maadaama qoyskiisu sabool ahaayeen, Waxaa uu dhigan jiray iskuulo Islaami ah.

Waxaa u ku biiray siyaasadda markii uu jirsaday 17 sano, xilligaas oo uu kamid noqday hogaamiyayaasha ururkii ardada ee kasoo horjeeday nidaamkii shuuciyadda. Sidoo kale Erdogan ayaa ka tirsanaa mid kamid ah naadiyada kubbada cagta ee xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbul.

Sannadkii 1978, ayuu guursaday xaaskiisa
Emine Gülbaran, oo ah haweenay ku caan baxday xirashada xijaabka oo aan ku badnayn haweenka dalka Turkiga, iyadoo u dhashay 2 wiil iyo 2 gabdhood. Waqtigii ay is baranayeen waxa ay isku arkeen shir ay kawada qayb galeen, iyagoo aad isaga helay markaa.

waxaa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara qaybteeda dhaqaalaha iyo maamulka culuumta, waqtigaa waxa uu ku jiray dhaqdhaqaaqii uu waday ra’iisul wasaarihii militarigu talada ka rideen ee Erbakan oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Islaamiyiinta Turkiga. Sannadkii 1991-kii ayaa loo doortay xildhibaan, balse uma suuragalin inuu baarlamaanka fariisto kadib markii ay militariga ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee ka jiray dalka Turkiga.

Erdogan oo lagu tilmaamo inuu ahaa siyaasi aad u firfircoon, waxaa loo doortay duqa magaalada Istanbuul 1994, markaas oo uu magaalada Istanbuul ka dhisay illaa iyo 50 buundo oo lagu yaraynayay mashquulka waddooyinka, waxaa uu wax ka qabtay magaaladii qashinka badnayd kuna duway dhanka horumarka ka dhigay magaalo dalxiis iyo barwaaqo.

Waxaa kale oo uu wax ka qabtay biyaha iyo nadaafadda Istanbuul, waxa uuna ku guulaystay abaalmarinta ay bixiso hay’adda qaramada midoobay ee UN-HABITAT, waxaana loo aqoonsaday maayarka ugu wanaagsan ee caalamka.

1997 ayaa xabsiga la dhigay Erdogan markaas oo maxkamadda sare ee Turkigu ay mamnuucday xisbigii uu ka tirsanaa oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Erbakan, kaddib markii uu ka qayb qaatay dibad baxyadii ay ka dhigayeen magaalada Istanbuul taageerayasha xisbiga daryeelka Turkiga, waxaana lagu xukumay Erdogan 10 bilood oo xabsi ah.
Isla xilligaas Erdogan waxaa laga mamnuucay siyaasadda, waxaana laga xayuubiyay xilkiisii maayarnimada. Xabsigana waxaa laga siidaayey sannadkii 1998.

Sannadii 2001 ayuu aasaasay xisbigiisa cadaaladda iyo horumarka oo ay wada hoggaaminayeen isaga iyo madaxweynahii hore ee Turkiga Cabdalla Guul. 2002 ayaa xisbiga caddaaladda iyo horumarka uu ku guulaystay aqlabiyadda kuraastii baarlamaanka, balse Erdogan ma noqon ra’iisal wasaare madaama laga mamnuucay siyaasadda, waxaa xilka qabtay guddoomiye ku xigeenkii xisbiga ahna madaxweynahii waqtigaa Cabdalla Guul.

2003 ayaa maxkamadda sare oo ay awood ku leeyihiin militariga ilaaliya cilmaaniyadda JamhuuriyaddaTurkiga ay soo saartay go’aan ay ku diiday doorashadii baarlamaaniga ee dhacday 2002, waxayna amartay maxkamaddu in markale lagu celiyo doorashada.

Doorashadii ku celiska ahayd ayuu markale xisbiga Erdogan helay aqlabiyadda codadkii, nasiib wanaagna waxaa laga qaaday xayiraaddii ka saarnayd siyaasadda, waxa uuna noqday ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga.

Waqtigaa wixii ka dambeeyey turkiga waxaa u bilowday waa cusub oo dhanka Horumarka ah, Dalka waxaa haystay duruufo badan, kowba haka ahaadeen Caafimaadka, waxbarashada Dhaqaalaha, bilicda iyo Difaaca. Waxa uu wajahayey dhibaatooyin badan, balse Dadaal qorshe lagu laray ayuu u dajiyey dhammaan arrimahaas, markii uu jagada qabanayey dhaqaalaha Turkigu waxa uu ahaa 200 oo bilyan, Dalka waxaa hareeyey oo lagu lahaa daymo badan, qorshihiisii ayaa sahlay in Turkigu qaado dhabbo cad oo dhanka horumarka ah, Waxa uu wax ka qabtay dhammaan duruufihii dalka haystay. Haba ugu badanaadeen Arrimaha bulshada, waxa uu dib u bixiyey daymihii lagu lahaa waddanka, Turkiguna waxaa uu dhigtay oo keyd ah lacag dhan shan bilyan hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Sidookale waxa uu wax badan ka qabtay dhanka difaaca, isagoo Turkiguna yahay dalka labaad ee ugu ciidanka badan gaashaanbuurta NATO iyo kan sagaalaad ee ugu awoodda badan Dunida. Dhanka dhaqaalahana waa kan 17aad ee Caalamka in dhan 840 bilyan, dhanka dhoofsigana waa saddex iyo tobonaad. Mr Erdogan intaasi oo horumar ah ninkii dalka keenay shacabkuna si fudud aysan ku hilmaami karin ayey sannadkii 2014 kii, madaxwayne u doorteen si uu dhabbaha ugu sii xaaro horu usii kaca Dalka.

Mar uu hadlayayna waxaa lawaydiiyey sida Turkigu horumarkaan ku gaaray, isagoo ku jawaabay haddii lahelo hoggaamiye dhab ah oo daacadi hareysay iyo shacab hanleh in horumarku qasab uu ku imaan. 2016 kii waxa uu ka bad baaday inqilaab millitarigu soo abaabulay, balse shicibku ka hortageen, maadaama uu ahaa hoggaamiye shacabiyad ballaaran leh gudo iyo dibada. Sannadkii 2018, ayaa haddana loo doortay inuu markale hoggaamiyo Turkiga.

Turkiguna maanta waa Dal dunida kaga muuqda awood dhaqaale, mid ciidan iyo Horumarba. Intaasina waxaa lagu keenay Hoggaamiye daacad ah waddaniyadu dhab ka tahay iyo shacab hanleh.

Xigasho: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media