Kulan la isku dhafray oo xalay dhacay (Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Garoowe)

0

(Garoowe) 08 Maajo 2019 – Waxaa maalintii 4-aad magaalada Garoowe ka soconaya kulan u dhexeeya DF Somalia iyo maamullada gobollada, iyadoo xalay uu dhacay midkii ugu waqtiga dheeraa.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay shalay kulan gaar ah yeesheen MW Farmaajo iyo Xaaf oo ah mw Galmudug, kaasoo lagu kala tegey kaddib markii arrimo dhowr ah la isku fahmi waayey.

Kaddib waxaa arrintii soo farageliyey madaxda kale ee maamullada, kuwaasoo habeenkii xalaytoole bacdal afur la kala kulmay Madaxwayne Farmaajo iyo madaxwaynaha Galmudug Xaaf oo ay wehliyeen qaar ka tirsan wasiirradiisa iyo guddoon baarlaman oo uu isagu samaystay.

Waxyaabaha la isku fahmi la’yahay

Galmudug garabka Xaaf hoggaamiyo ayaa ku doodaya in wax kasta loogu daayo sida ay u dhigeen garabka Dhuusamareeb, sida xilliga ay kororsadeen iyo bedelitaanka madaxdii sare ee la doortay markii la dhisayey Galmudugta cusub, iyagoo DF ku eedeeynaya inay la safan tahay garabka Cadaado.

Sida wararku sheegayaan, DF Somalia oo markii hore ku adkaysanaysey in ay dhamaatay muddo xileedkii Xaaf, ayaa haatan soo jeedisey inay ogoshahay xeer jajab ku aaddan in muddo kororsiga sanad laga dhigo iyo in lasoo celiyo maamulkii hore ee la doortay kaddibna doorasho guud la qabto sanad iyo bilo kaddib, iyadoo sharci darro u arka wixii lagu dhisay Dhuusamareeb.

Kulan aan xalay loo kala kicin oo ay maamulladu kaligood yeesheen, ujeedkuna ahaa in Xaaf lagula hadlo ayaa ka dhacay madaxtooyada Puntland, waxaana nasoo gaaraysa in kulankaas oo socdey ilaa 3-dii habeennimo ay kasoo baxday isu soo dhowaansho wanaagsan.

Hadalsame Media