ANIGA & SAMBUUS: Qiso dhab ah oo uu la kulmay weriye caan ah (Sheeko)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2019 – Dhowr sano ka hor ayaan iska joojiyay in aan sambuus ku afuro, ama gurigeyga lagu sammeeyo. Sababtu waxay ahayd maalin soon ah oo waddadu xiran tahay, ayaan ku qasbanaaday in aan shaqada ka baaqdo oo maalintaas oo dhan aan xaafadda joogo.

Markaas waxaa guriga ka socotay howsha sambuus sameyska oo ay ku jireen xaaskeyga iyo gabdho guriga nagula noolaa. Aniguna mar mar ayaan caawinaayay inta aan karo, oo ay ugu weyneed fidinta foolyada.

Waxaan goobjoog u ahaa howshaas min billow ilaa dhammaad; qasida burka, rifaaqiddiisa, foolyada sambuuska fidinteeda, jarjariddeda, iyo isku laabiddeeda, ka bacdina shiididda hilibka iyo qudaarta lagu dhex shubayo iyo diyaarintooda.

Intaas ka dib buuxinta foolyada iyo isku dhadhajintooda, dabadeedna burjikda shidisteeda, iyo saliidda lagu dubaayo diyaarinteeda.

Markii dhowrkii xabbo ee ugu horreeyay jaga-gacdooda ay yeertay ayaan guriga ka baxay oo aan xaafadda walaashey soo aaday, si aan usoo salaamo.

Sidoo kale ayaa guriga walaashey waxaa ka socotay howl sambuus dubid ah oo intii aan soo arkay lasoo maraayo.

Galab gaabki ayaan guriga kusoo laabtay, iyadoo sambuuskii dubiddiisa ay dhammaatay, oo isagoo midabka dahabka oo kale leh saxamo lagu shubay oo u diyaarsan in lagu afuro.

Waxaan xisaabiyay inta saacadood ee ay qaadatay sameynta sambuuskaas oo aan ka yareyn 6 saacadood. Aakhirkiina kusoo dhamaaday bur la dhex galiyay hilib iyo qudaar.

Markii aan afurnay ayaan isugu yeeray xaaskeyga iyo gabdhihii nala noolaaa. Waxaan u sheegay in caawa ay ugu danbeyso sambuus gurigaan laga dubo. Waxaan u cuskaday in sambuus si kasta ha u macaanaadee uusan istaahilin in waqtiga iyo daalka intaas la eg lagu bixiyo oo intaas oo fara-murux ah loo maro.

Markii ay gabdhihii ila doodeen waxaan ku iri ” Aniga sambuus idiinma diidaayo, laakiin aniga kuma jiro, haddaad adinka rabtaan khiyaarkiin, laakiin yaan la isoo hor dhigin caawa ka dib.

Habeenkaas ayaan aniga iyo sambuus is macasalaameynay. Gabdhahana waxaan uga cudur daartay dhibkii horey ugu gaaray sammeyntiisa.

Hadda reerkeygu wey ka nasteen sambuus howshiisa intii dhowr sano ah. Markii ay dhahaan sambuus aan rabnaa waxaan ku iraahdaa laamiga kasoo gata

Inta sambuuska jecel ee guryahooda laga sameeyo waxaan kula talinayaa in ay hal mar ka qeyb qaataan sameyntiisa, ka bacdina ay ka talo bixiyaan haddii sambuus istaahilo intaas oo dhib iyo howl ah.

RAMADAAN KARIIM

Waxaa Qoray: Cali Xalane, BBC Arabic Service

Hadalsame Media