Hindiya oo Pakistan u diyaarsanaysa taangiga ugu casrisan Ruushka ee T-90 oo ay dalkeeda ku ”samaynayso” + Sawirro (Imisaa u dalban?)

0

(New Delhi) 08 Maajo 2019 – Ciidamada Xoogga Hindiya ayaa soo iibsanaya 464 taangi oo casri ah, gaar ahaan nooca uu Ruushku ku faano ee T-90 ‘Bhisma’ oo loo quseeyay qaabka ay Hindiya doonayso.

Ciidamada lugta Hindiya gaar ahaan qaybaha madaafiicda goobta ayaa raxantan cusub helaya 2022 ilaa 2026, sida uu qorayo Times of India oo soo xiganaya ilo ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Agabkan ayay Hindiya kusoo iibsanaysaa kharash dhan $1.93 bilyan oo doollar, waxaana la gayn doonaa xuduudda ay la wadaagto Pakistan si ay “dagaal niyadeed” ugu qaadaan dhiggooda.

Tawaangidan ayaa la iskula xirxiri doonaa wershad ku taalla magaalada Chennai ee gobolka Tamil Nadu ee dalkaasi Hindiya oo ay leeyihiin ciidamadu lana yiraahdo Avadi Heavy Vehicle Factory (HVF) iyadoo qaybaha laga keenayo Russia.

Moscow ayaa horraantii bishii tagtay ee Abriil Hindiya u kordhisey shatiga ay tawaangidan kusoo saari karto, wax qayb ka ah heshiis dhanka amaanka ah oo ka dhexeeya labada dal.

Ciidamada lugta Hindiya ayaa haatanba leh 1,070 taangi oo ah noocan T-90 iyo 2,400 oo ah noocii hore ee T-72 oo ay wehliyaan 124 taangi oo ah moodalka ay iyadu samayso ee ‘Arjun’ kuwaasoo ay kala haystaan kooxohooda gaashaaman.

Ruushanka ayaa taangigan T-90 wuxuu kula tartamaa taangiga Maraykanka ee Abrams.

Halkan hoose ka DAAWO bandhigga T-90

Hadalsame Media