DF oo ciidamo hor leh ku xoojisey howlgallada sugitaanka amaanka Muqdisho

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2019 – Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay xiliyada habeenkii hawlgalada ay ku sugayaan amaanka caasimadda.

Hawlgalkan ayaa sii xoogaystay tan iyo bilowgii Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo waddooyinka magaalada Muqdisho la soo dhigay ciidamo Boolis ah.

Degmooyinka Hodan iyo Warta Nabada ayaa  ciidanka Booliska waxa ay ku qab qabteen dhalinyaro badan oo ku   cawaynayay waddooyinka degmadaas.

Ciidanka ayaa wata gadiid kuwo shabaqla ah si ay ugu xireen dadka ay u arkaan in ay falal amaan daro ku keeni karaan degaanka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan sheegay in  Bisha Barakaysan ee Ramadan la kordhin doono dadaalada ciidanka ay ku doonayaan xaqiijinta amaanka muwaadiniinta sooman.

Hadalsame Media