Wadaad Soomaali ah oo lagala noqday dhalashada Maraykanka oo Hargaysa ka degey (Sababta)

0

(Portland, OR) 07 Maajo 2019 – Dowladda Maraykanka ayaa dhalashadii oday Soomaaliyeed oo imaam ka ahaa masjid ku yaalla magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Maraykanka.

Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye ayaa horay ugu jirey liiska dadka aan loo ogoleeyn inay ka duulaan dalka Maraykanka (no-fly list), balse dowladda Maraykanka ayaa xeer-jajab la gaartey kana ogolaatay inuu dib ugu laabto dalka Somalia, bishii Jannaayo.

Heshiiska waxaa ku jirey, Kariye oo ogolaaday in laga xayuubiyo muwaadinnimada Maraykanka kaddib markii uu qirtay inuu xog khaldan siiyay Waaxda Socdaalka bishii Luulyo 1997-kii, markii uu dhalashada qaadanayey.

Heshiiska ayaa muddo gaaban qalqiil galay kaddib markii Isniintii Kaariye lagu qabtay laguna xirey garoonka Dubai.

Kaariye, 57 jir, ayaa Seattle kasoo raacay duullimaad 14-saacadood qaatay oo ku jeedey magaalada Dubai, Imaaraadka, halkaasoo uu doonayay inuu 4 maalmood kaddib kasii aado magaalada Hargaysa.

Yeelkeede, markii uu Dubai soo gaarey wuxuu qarreenadiisii reer Oregon u qoray farriin u akhrismaysey, “wax baa khaldan.’’

Waayo, Kaariye ayaa waxaa ku dhegey sirdoonka Imaaraadka oo 7 saacadood ku maraan-marayey gegada Dubai, iyagoo wax ka waydiinayay “Portland Seven,’’ oo ka mid ah jamaacada As-Saber Mosque ee Koonfur-galbeed Portland iyo rag kale oo halkaa ku dukada, iyadoo inuu qarreennadiisa waco loo diidey markii su’aalaha la waydiinayay, sida ay sheegeen looyarradiisa Philip Smith iyo Nicole Nelson.

Kaariye ayaa bishii Oktoobar ay DF Maraykanku ku dartay liiska dadka aan duullimaadka loo ogolayn, iyadoo loo cuskaday inuu yahay nin kasoo dagaallamay dalka Afghanstan waagii ay la dagaallamayeen Soofiyeetka, iyadoo ay yaab tahay inuu Maraykanka laftiisu dagaalkaa berigaa taageersanaa, siyaasiyiin waawayn oo Maraykan ihina ay qirteen inay iyagu sameeyeen kooxdii ”Mujaahidiin” ee halkaa ka dagaallmaysey.

Waxaa kale oo oday Kaariye lagu haystaa inuu taageero u muujiyey “jihaad xoog ah”, isagoo la hadlaya dad dharcad ah oo la daba dhigay iyo xubno ka tirsan  Portland Seven.

Hadalsame Media