XOG: Madaxwaynaha oo xalay laga joojiyey kulan dadwayne oo ka dhici lahaa Garoowe (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2019 – Wararka aannu ka heleeyno magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in Puntland ay joojisay kulan dadweyne oo ay wada yeelan lahayeen Madaxwaynaha Dowladda Federaalka iyo dadwaynaha qaar ee Garoowe.

Kulankan waxa soo abaabulay xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe.

Sababaha baajinta kulankan oo looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka ayaa lagu sheegay khilaafka aan xalka laga gaarin ee u dhaxeeya Dowladda iyo maamulka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ku doodaysa in aan lagu soo wargalin kulankan dadwayne ee Madaxweynaha uu ka qayb gali lahaa ee xalay lagu waday in uu ka dhaco magaalada Garoowe.

Dhanka Dowladda Federaalka ma jirto wax war ah oo ay ka soo saartay talaabada  maamulka Puntland ay ku joojisay doodan uu ka qayb gali lahaa Madaxwayne Farmaajo.

Hadalsame Media

Facebook Comments