DAAWO: Bakayoko oo ka sheekeeyay shilkii xalay dhexsaday isaga & Gattuso

0

(Milano) 07 Maajo 2019 – Laacibka AC Milan ee Tiemoue Bakayoko ayaa ku adkaysanaya in aanu jirin warka sheegaya inuu xalay diidey inuu ciyaarta soo galo, ciyaarii ay xalay Milan 2-1 uga badisay Bologna, si ay u cayrsato riyadeeda kaalinta 4-aad.

Yeelkeede, waxaa ciyaartaa hareeyay shil dhacay oo loo fasiray in Bakayoko uu diidey dalabkii macallinka Gennaro Gattuso ee ahaa inuu bedelo Biglia oo dhaawacmay.

Balse waxaa arrintaa ka hadlay laacibka laga soo amaahday Chelsea oo arrinta ku sharraxay Instagram:

“Ma raacsani in la ii arko laacib diida inuu garoonka soo galo marka uu macallinku sidaa waydiisto oo aan kooxda iyo naadigaba xushmaynin.

“Waxaa la i waydiistey inaan is diyaariyo, waxaana is kululeeynayay ugu badnaan 2-3 minutes, kaddibna waxaa la igu yiri fadhigaaga ku noqo, waxay ahayd intii u dhaxaysey daqiiqadihii 23-26-aad.

“Markii aan fariistay macallinka ayaa igula hadlay war aanan ka filaynin, aniguna wixii uu i yiri unbaan ku celiyay ee wax kale ma jiraan. Marka waxaan caddaynayaa inaanan marna diidin inaan ciyaarta soo galo.” ayuu yiri Bakayoko oo maanta kulan fool ka fool ah la yeelanaya Gattuso.

Waa shilkii 3-aad ee uu Baka ku lug yeesho todobaadyadii yaraa ee tegey, bilowgii waxay ahayd funaanadda Acerbi, kaddib soo daahitaankii tababarka iyo shilkii xalay, waxaana xoogaysanaya wararka sheegaya inuu ku laabanayo Chelsea.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media