Xog kasoo korodhay warkii sheegayay in Madaxwaynaha kulan laga hor istaagey (Madaxtooyada oo war kasoo baxay)

0

(Garoowe) 07 Maajo 2019 – Wararka aannu horay uga helnay magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegayay in Puntland ay joojisay kulan dadwayne oo ay wada yeelan lahayeen Madaxwaynaha Dowladda Federaalka iyo dadwaynaha qaar ee Garoowe.

Ilo hoose oo kulankan ku dhowaa noo sheegay in shirkan dadwayne oo ay soo abaabushey xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe loo baajiyay wax lagu sheegay in aan la ogaysiinin maamulka Puntland.

Yeelkeede, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia, Cabdinuur Axmed ayaa warkaa ku tilmaamay mid waxba kama jiraan, isagoo sheegay in xilliga uu shirkani dhici lahaa uu Madaxwaynuhu ku mashquulsanaa shirka wada tashiga ee Garoowe ka soconaya.

Si kastaba, ilo lagu kalsoonaan karo oo goob joog ah ayaa ku adkaysanaya inay arrintan wax ka jiraan.

Hadalsame Media