”Isku day kasta oo lagu tuurayo dowladda Venezuela waxaa ka dhalan doonta cawaaqib Xumo” – Ruushka oo digniin culus u diray Maraykanka

0

(Moscow) 05 Maajo 2019 – Qorshada Washington ee “xilkasnimo darrada ah” ee la doonayo in xoog lagu afgembiyo dowladda Caracas waxay dhali doontaa musiibo, sida uu ka digey Wasiir Dibadeedka Ruushanka Sergey Lavrov, isagoo Maraykanka ugu baaqay inuu adeeco Xeerka Caalamiga ah.

Lavrov ayaa dhaleeceeyay wax uu ku sheegay “olole aan abid horay loo arag oo uu hoggaaminayo Maraykanka oo hollinaya inuu tuuro dowladda sharciga ah ee Venezuela.”

Lavrov ayaa intaa raaciyay in waxa ay iminka Venezuela u baahan tahay ay yihiin wada hadallo siyaasadeed, ee aanay ahayn kursi raadin.

”Isku dayada xoogga ah ee laga wado Caracas waxba dimoqraadiyad kama khuseeyaane, waa ujeeddo lagu wiiqayo heshiis la gaaro.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in kaliya reer Venezuela ay yihiin kuwa qayixi kara aayaha qarankooda isagoo ku baaqay in la qabto “wada hadallo loo dhan yahay.

Weli Ruushku ma caddaynin inuu sidii Suuriya ciidamo usoo dirayo dalkaasi iyo in kale, iyadoo uu Ruushku sanadihii dambe lasoo noqonayey qaar ka mid ah qiyamkiisii ahaa inuu yahay dalka la loollama Maraykanka.

Hadalsame Media