”Waxaan rajaynayaa inay ku jiraan mid ama laba garan doona saamaynta go’aankooda!” – Talo loo jeediyay madaxda Garoowe ku shirsan

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2019 – Khudbad uu jeediyey Obama, ayey ku jirtay ”nolosha, dhaqaalaha iyo quruxda ay maanta America haysato waa abaal ay nooga tageen aabayaasheen, sida keliya ee aan ku celin karno abaalkaasna, waa inaan carruurteena uga tagnaa America tan ka wanaagsan.”

Haddaan Soomaali nahay jiilka aan ku jiro aabayaasheen dhaxal dowladdeed noogama tagin, inaguna ilmaheena inaan uga tagno, waxey ku xirantahay sidey u dhaqmaan abayaasha iyo hooggaanka maanta talada haya ee Garoowe ku shirsan.

Waxaan rajeynayaa inay ku jiri doonaan mid iyo labo garan doona miisaanka go’aankooda iyo sida ay u dhaqmaan inay nolosheenna iyo tan carruurteenna saamayn deg-deg ah ku leedahay.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Royal

Hadalsame Media