DAAWO: MW Farmaajo oo ku dhawaaqay inay berri soon tahay

0

(Garoowe) 05 Maajo 2019 – Madaxwaynaha Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan magaalada Garoowe ku dhawaaqay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaanka oo berri koow ah.

Madaxwaynaha ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay u sama falaan oo caawiyaan dadka hayntoodu yar tahay ee u baahan kaalmaynta.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan amniga isla markaana ula shaqayn lahaayeen hay’aadka amniga oo uu iyagana xusuusiyey inay shacabka u turaan.

Bahda Hadalsame Media oo isku duuban waxay iyaguna umadda Soomaaliyeed u rajaynayaan Ramadaan khayr qaba iyo ajar sugan.

Hadalsame Media