DHACDO XANUUN BADAN: Dad carruur u badan oo lagu laayay duleedka Maxaas

0

(Maxaas) 04 Maajo 2019 – 6-qof oo ay ku jiraan 4-caruur ah ayaa ku geeriyootay rasaas koox hubaysan ay ku fureen gaari dad shacab ah ay saaran yihiin ee duleedka degmada Maxaas.

Dad  ku sugan degmada  Maxaas ayaa sheegay in  dadkale oo baabuurka saarnaa ay waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkaas.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Maxaas ayaa sheegay in dadkan wadada ay u galeen  koox hubaysan oo isbaara dhigta meelo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Goobta dilkani ka dhacay waxa gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo baadi goob u galay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii waxyeellada gaystay.

Deggaanno ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa marar badan waxa ka dhacay dhibaatooyin koox hubaysan ay u gaysteen dad masaafur ah.

Hadalsame Media