Itoobiya oo wax ka bedeshey shir ay ku marti qaadi jirtey maamul-goboleedyada Somalia qaarkood + Sawirro

0

(Bahir Dar) 04 Maajo 2019 – DF Itoobiya ayaa bedeshey qaabkii ay u agaasimi jirtey Madasha Tana oo sanadihii yaraa ee dambe lagu qaban jirey magaalada Bahir Dar, kaasoo ay xilligii Tigreega ku casuumi jirtey qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Somalia.

Sanadkan waxaa Somalia metelayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qayb galay madasha Tana oo looga hadlo amniga qaaradda Afrika.

Shirka Madasha Tana oo soconaya maanta iyo berri ayaa ah madashii 8-aad waxaa horay uga soo qayb galay madax ka socota wadamada qaaradda Afrika, madaxda urur gobaleedyada, bulshda rayidka ah, aqoon-yahanno iyo dhallinyaro waxaana haatan si gaar ah kulanka looga hadlayaa isbedelka siyaasadda geeska Afrika iyo horumarka nabadeed ee soo if-baxaya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya Somalia ayaa khudbad ka jeediyay maddasha oo ay furtay madaxwaynaha dowladda Federaalka Ethiopia, Sahle-Work Zewde.

Guddoomiyaha midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, iyo guddoomiyaha guddiga sare ee madasha Tana Forum, John Dramani Mahama, ayaa qayb ka ahaa madaxdii goob joogga ka ahaa furitaanka madasha sideedaad ee Tana.

Hadalsame Media