10 qof oo loo haysto dilkii & kufsigii Caa’isha Yareey oo Garoowe maxkamad lagu soo taagey

0

(Garoowe) 04 Maajo 2019 – Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe waxa ka soo muuqday 10 qof oo loo haysto dilkii iyo dhibaateyntii Gaalkacyo loogu gaytay  Caa’isho Ilyaas oo 12 sano jir ahayd.

Halka maxkamadeynta ay ka socotay waxa ku sugnaa dadwayne badan si ay ula socdaan Kiiskan iyo waxa ay natiijadiisa ay noqon doonto.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Maxamuud Xareed ayaa dacwadda loo haysto eedaysanayaashan ka hor akhriyay maxkamadda horteeda.

Kiiskan dilka iyo kufsiga ah ee loo gaystay Caa’isha Ilyaas waxa qaadayay afar xaakim ah oo ka tirsan Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal.

Garabka u doodayay eedeysanayaasha oo dalbaday  in waqti la siiyo si wareysi dheeraad ah ay ula yeeshaan 10-ka qof ayaa maxkamaddu markii dambe ogolaatay in kiiskan  la qaato sabtiga soo aadan.

Bishii Febraayo ee sanadkan 2019-ka ayaa  koox dhalinyara ahi waxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku kufsadeen Caa’isho Ilyaas kaddibna waa dileen.

Hadalsame Media