Muqdisho oo yeelatay adeeg cusub & doorkii dowladda oo gaabis ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 02 Maajo 2019 – Magaalada Muqdisho oo waloow aysan weli ka wada bixin misna ku jirta marxalad soo kabasho ah kaddib dagaallo xilli dheer ragaadinayay ayaa yeelatay adeeg nooc cusub ah.

Waxaa la hirgeliyay app cusub oo la yiraahdo The Go! kaasoo wixii hadda ka dambeeya ay dadku ka dalban karaan mooto ay u raacaan meeshii ay doonayaan, iyagoo ka weecanaya ciriiriga waddooyinka.

Adeeggan oo haatan lagu bilaabay ilaa 20 mooto ayay macaamiishu online ahaan kaga dalban karaan dhanka internet-ka, amaba jidadka ayay ka qabsan karaan iyagoo ku garan kara garan iyo kooffi jaalle (hurdi) ah oo ay xiran yihiin.

Adeeggan ayaa waxaa bilaabay Gulivery, iyadoo ay horay Muqdisho uga jirtey apps qaab Uber oo kale ah loo dalbado tagaasida Waryaa Taxi iyo Dhaweeye, balse shirkadahaasi waxay adeegsadaan gawaari uun.

Waxaa Muqdisho oo caadi kusoo noqonaysa sidoo kale ka shaqeeysa mootada 3-lugoodleeyda ah ee Bajaajta loo yaqaanno, iyadoo waloow ay soo kabanayso aan weli lahayn hannaan gaadiid dadwayne oo hufan ama la isku hallayn karo adeeg ahaan, sidoo kalena waxaa aad u xun kaabayaasha sida jidadka, cinwaannada iyo jaam aad u fara badan oo u baahan qorshe dowladeed.

Hadalsame Media