”Messi waa cajiibe fadlan ka daaya barbar dhigga Ronaldo!” – Balotelli oo kabaha la dul maray CR7

0

(Marseilles) 02 Maajo 2019 – Lionel Messi ayaa markale xalay muujiyay inuu yahay cabqari ciyaareed oo aan cidna diidi karin, kaddib markii uu laba gool oo uu mid cajiib yahay ka dhaliyey kooxda Liverpool dhanka nus-dhamaadka Champions League.

Laacibkan ayaa xalay dhaliyay goolkiidii 600-aad ee uu u ansixiyo kooxda Barcelona, ciyaartii ay 3-0 direen kooxda Liverpool oo uu ka dhaliyay bunisyoon far iyo suul lagu qaaday oo si qoto dheer u miisaaman.

Yeelkeede bandhiggaasi Camp Nou ayaa gaarey goobo ka fog garoonkaasi, waxaana dadka la dhacay ka mid ah Mario Balotelli oo amaan kala dul dhacay isagoo adeegsanaya Instagram.

Yeelkeede, Balo wuxuu sidoo kale qaniiney laacibka at tartamaan Argentine-kan ee Cristiano Ronaldo: “Cajiib! Wanaagga kubadda darteed fadlan yaa ninkan mar dambe la barbar dhigin midka Juve 7-da u qaata”. ayuu soo qoray Balo oo aan xitaa magac dhabin Ronie.

Hadalsame Media