”Duruuf waa jirtaa dadka se kama liidanno!” – Ilhaan Cumar oo Somalia difaacdey

0

(Washington, DC) 02 Maajo 2019 – Ilhaan Cumar ayaa cambaaraysay warkii uu Donald Trump bishii Jannaayo 2018 dalal dhowr  ah ku sheegay inay yihiin ”uskag ama qashin”, kuwaasoo ay ku jireen  Haiti, El Salvador iyo qaar kale oo Afrikaan ah.

Iyadoo isu soo bax kala qayb geleysey xildhibaannada isbedel doonka ah ee madoow ee sida Ayanna Pressley (D-Mass.) kaasoo lagu qabtay bannaanka Capitol Hill oo ah xarunta labada aqal ee Maraykanka, ayay Ilhaan difaacdey dalka ay kasoo jeeddo ee Somalia.

“Lafteeydu waxaan ahay qof kasoo jeedda dalalka ay ”qashinka” ku tilmaamayaan midkood,” ayay Cumar ku tiri dadwaynihii, sida ka muuqata muuqaal lasoo dhigay Facebook. “Runtu waxay tahay, dalkaa qashinka lagu sheegay wuxuu soo saaray qof qab iyo sharaf leh.” ayay raacisay.

“Duruufeheennu had iyo goor ma bilnaan karaan,” ayay tiri Cumar oo warkeeda sii wadata. “Ha yeeshee, taasi yarayn mayso insaannimadeenna, mana ihi qof is difaacid ku jira.”

Isu soo baxan oo la yiraahdo #WeStandWithIlhan ayaa lagu taageerayay Ilhaan Cumar oo weerarro kala nooc ah kala kulmaysa kooxaha muxaafidka iyo xag-jirka ah ee Maraykanka.

Hadalsame Media