Hindiya oo ay kusoo fool leedahay DUUFAANTII ugu darnayd qarnigan + Sawirro

0

(New Delhi) 02 Maajo 2019 – In ka badan 800,000 oo qof ayaa laga daad gureeyay xeebta bari ee Hindiya iyadoo ay dadku u diyaar garoobayaan duufaantii ugu xumayd ee qarnigan soo marta Hindiya oo kusoo jeedda dhanka Gacanka Bay of Bengal.

Duufaanta Cyclone Fani ayaa la saadinayaa inay caawa oo Khamiis ah ama Jimcaha berri ah caga dhigayo dalkaasi iyadoo isha dabayshan oo aad u xooggani ay ku socoto 124 mayl/saacaddii.

Wakaaladda Maaraynta Musiibooyinka Hindiya ayaa sidoo kale ka digtey in xilliyadaa badda la galo, gaar ahaan gobollada Hindiya ee ku teedsan gacanka Bay of Bengal.

Fani waa duufaantii 4-aad ee muddo 30 sano ah ku dhufata gobollada xeebta bari ee Hindiya, iyadoo middii ugu dambaysey oo ahayd Ockhi ay dhacday 2017, waxaana ku dhintay ku dhowaad 250 halka la waayay in ka badan 600 oo qofood gobollada Tamil Nadu iyo Kerala.

Hadalsame Media