SAWIRRO: Madaxweynaha oo kormeeray goobaha danta guud ee lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan

0

(Muqdisho) 02 Maajo 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka, Madaxafka iyo Maktabadda Qaranka, isagoona goobahaas kula kulmay muwaadiniinta sida mutadawacnimada ah uga qeyb qaadanaya Ololaha Isxilqaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.

“Hawshan wanaagsan ee aad haysaan waa mid waxtar weyn u leh mustaqbalka carruurteenna. Dalkeenna innagaa gacmaheenna ku burburinnay, marka innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.”

Dhankooda, hawl-wadeennada Barnaamijka Isxilqaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey guulaha la taaban karo ee laga dhexlay wajiga koowaad ee barnaamijkan iyo qorsheyaasha lagu dhammeystirayo dib u dhiska goobaha danta guud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay hormuudka Barnaamijka Isxilqaan in ay dardar geliyaan dhammeystirka dib u dhiska goobaha danta guud oo haatan ay gabogabo marayaan hawlaha dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo Maktabadda.

Hadalsame Media