Wuxuu kasoo noqday Somalia, wuxuu diley sxbtii, wuxuu 30 XABBO ku dhuftay eedadii, wuxuu ku daray adeerkii, kaddibna waa is diley!!

0

(Eldoret) 01 Abriil 2019 – Askari ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa magaalada Eldoret ku khaarajiyey eedadiis uu aabbihii qabey oo uu hal khasnad ku faarujiyey.

Ninkan ayaa inta aanu eedada dilin wuxuu kasoo baxsaday gabar ay xiriir lahaayeen oo la yiraahdo Dorcas Chepar oo ah 30-jir lafteedu sarkaalad ah oo isku dayday inay ka celiso eedadii, balse uu madaxa rasaas kala dhacay, kahor intaanu 30 xabbo ugu dhufan maydka eedadiis oo ku dhimatay xabaddii 1-aad ee uu madaxa kala helay, sida uu qoray Edaily.

Shilkan oo ka dhacay agagaarka Jua Kali oo ka tirsan Eldoret, Uasin Gishu County, ayuu ninkan oo 32-jir ah laguna magacaabo, Haron Tiony, wuxuu deeto aadey guriga adeerkii oo uu isagana diley, kahor intaanu qoriga isku jeedin oo uusan isaguna is dilin, isagoo u dhintay xabad uu madaxa dhaawac halis ah iskaga gaarsiiyay.

Ninkan ayaa la sheegay in uu 4 maalmood kahor uun kasoo laabtay dalka Somalia isagoo ka mid ahaa Ciidamada KDF ee halkaa ku sugan.

Sida ay dersaantu sheegeen, Tiony ayaa aalkolo ka dhergey habeennimadii Isniinta ilaa qaybihii hore ee Talaadadii kahor inta aanu guriga aadin, isagoo xilligaa kexeeyay saaxiibtii oo uu waydiistey inay u raacdo guriga eeddadii.

Sida uu sheegay dembi baaraha Eldoret West OCPD, Zacharia Bitok, Tiony ayaa ahaa nin deggan oo aan dabci ahaan looga baran inuu dadka la dagaalo, waxaana maydka afarta qof oo uu isagu ku jiro ay weli yaallaan qaboojiyaha isbitaalka guud ee Eldoret.

Xog dheeraad ah kala soco Hadalsame….

Hadalsame Media