Xil. Fiqi & Guddoomiye Yariisow oo ku dhaqaaqay arrin aad loogu dhaliilay!

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2019 – Waxaa beryahan baraha bulshada laga dareemayay dagaal bisadeed ay biyo hoostood iska haraatiyeen Guddoonka Gobolka Banaadir, Injinneer Yariisoow iyo Xil. Fiqi, taasoo ay dad badani u arkeen arrin aan u qalmin dad mas’uuliyiin ah misna mas’uuliyadda dareemaya.

Waxaa dadka arrintaasi u cuntami waydey ee wax ka qoray ka mid ah Inj. Max’ud Xaaji Saalax oo qoraalkiisa talo siinta ah ku bilaabay sidatan:

”Waxaa dusha idinka saaran masuuliyad dowladeed waxaana ceeb ah in aad baraha bulshada isku weydaarsataan hadalo xanaf leh, taasoo aan aaminsanahay inaysan shacabka Soomaaliyeed aysan jecleysaneynin.

”Idinkoo ixtiraamaya dalka iyo dadka aad xilka u haysaan fadlan joojiya arintaan aad isu marineysaan baraha bulshada. Waxa ina deeqaa waa dowladnimo, waxaana idiinka codsanayaa inaad dib ugu soo noqotaan jawi is faham iyo wada shaqeyn si dalka looga hormariyo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.” ayuu soo jeediyay.

”Waa walaalkiin Eng. Mohamud Hagi Salah oo idiin leh hadaan kala roonaan roob ma da’o.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media