WARQADDII XORRIYADDA: Weligaa ma aragtay warqaddii uu Talyaanigu u qoray QM ee caddaynayey xornimada Somalia?

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2019 – Somalia-da koonfureed ayaa xornimadeeda qaadatay 1-dii Luulyo 1960-kii, kaddib markii ay soo afjarantay maxmiyaddii Talyaaniga oo horay u gumaysan jirtey kaddiba ay QM u xilsaartay inay dowladnimada ugu diyaariso qaab wisaayo ah oo ay QM dusha kala socotey.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa warqaddii ay QM Talyaaniga ku amraysey inuu xukunka ku wareejiyo Soomaalida, taasoo uu Xoghayihii Guud ee QM u qoray Wasiir Dibadeedkii Talyaaniga ee xilligaasi Antonio Segni, 30-kii Juunyo 1960-kii.

Waxaa ku qoran sidatan: ”Waxaa sharaf ii ah inaan kugu wargeliyo, in si waafaqsan qaraarkii Golaha Guud ee QM ee 1418 ee soo baxay 5-tii Diseembar 1959-kii, in maamulkii Talyaaniga ee wisaayada gaarsiinayay Maxmiyadda Somaliland uu ku egyahay Juun 30 1960, caawa saqda dhexe 00:00.

”Wixii berri loo gaaro 1-da Luulyo 1960, maxmiyadda Talyaaniga ah ee Italian Somaliland waxay noqonaysaa dalka madaxa bannaan ee Somalia.” ayaa ku dhignayd warqaddii lagu saxiixay xornimada koonfurta.

Waxay tani meesha ka saaraysaa dood mararka qaar la maqlo oo ah in aanu jiri jirin magac la yiraahdo Somalia, balse ay magacaa keentay dowladdii millateriga ahayd.

Hadalsame Media