Dalab laga diidey qoyskii laga diley Ivy Wangechi

0

(Nairobi) 01 Maajo 2019 – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa diiddey dalab ka yimid qoyska gabadhii Ivy Wangechi oo uu si xun u diley Naftali Kinuthia oo doonayey in kiiskiisa laga wareejiyo magaalada dilku ka dhacay ee Eldoret loona wareejiyo Nairobi, iyadoo doodda ku jartay in Ivy Wangechi lagu diley Eldoret oo aan lagu dilin caasimadda.

Waalidka Ivy Wangechi ayaa iyagoo maraya qarreenkooda Violet Nyakima, waxay codsadeen in kiiska dhegeysigiisa lagu sii ambaqaado magaalada Nairobi.

Xaakimka Stephen Githinji, ayaa se dalabkaa meesha ka saaray, iyadoo ay dacwadu haatan ka socoto magaalada Eldoret.

Naftali Kinuthia, oo ah eedaysanaha qura ee dacwaddan dilka Ms Wangechi loo haysto, kaasoo bishii hore ka dhacay jaamacadda Moi University oo ay gabadhu caafimaadka ka baranaysey ayaa shalay oo ugu dambaysey lasoo taagey maxkamadda, isagoo dil ku eedasyan.

Mr Kinuthia waa dafiray eeddaasi.

Hadalsame Media