Iker Casillas oo mar qura looga soo boodey WADNAHA (Xaalkiisa)

0

(Porto) 01 Maajo 2019 – Goolwalaha reer Spain ee Iker Casillas oo haatan goolka u ilaaliya kooxda FC Porto ayaa wadnaha looga soo booday xilli uu tababarka caadiga ah ku jirey.

Casillas, 37 jir, oo isbitaalka loola cararay ayaa iminka la sheegay “inuusan halis ku jirin” isla markaana uu baraarugsan yahay, balse waxaa la dhigay qaybta gargaarka gaarka ah ee Hospital CUF Porto.

Naadigiisa ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Casillas uu “deggan yahay” xaalad ahaan, iyadoo sidii daadkii loogu fatahayo farriimo samadoon ah oo caafimaad loogu rajaynayo, mid ka mid ah qabtayaasha ugu caansan caalamka.

Casillas, ayaa inta badan waayihiisa ku qaatay camaaliqada reer Spain ee Real Madrid, kahor intaanu u wareegin Porto sanadkii 2015.

Wuxuu Spain u saftay 167 kulan, isagoo kabtan u ahaa xulkii Spain ee markii ugu horreeysey taariikhda Koobka Adduunka hantay 2010.

 

Hadalsame Media