Garoonka Dayuuradaha Kismaayo oo loogu magac darayo Sayidkii (Dood ka taagan)

0

(Kismaayo) 01 Maajo 2019 – Garoonka Dayuuradaha Kismaayo ayaa la sheegay in loogu magac darayo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana soo dhoweeysey Soomaali fara badan oo baraha bulshada adeegsata oo u aragta kacaan yahan u dagaallamay xorriyadda Somalia.

Garoonka Kismaayo Airport ayaa hadda kaddib sida la sheegay noqonaya Sayid Mohamed Abdille Hassan International Airport iyadoo lagu sharfayo Sayidkii.

Sayid Mohamed Abdille Hassan ayaa la dagaallamay gumaystihii isagoo sameeyay ciidamadii la oran jirey Daraawiishta min 1899 ilaa 1920, isagoo 20 sano la dagaallamayay ciidamadii British-ka, Talyaaniga iyo Amxaarada.

Yeelkeede, isaga iyo ciidamadiisii Daraawiishta ayaa amaan iyo dhaliilba kala kulma shacabka Soomaaliyeed oo ay qaar u arkaan geesiyaal u dagaallamayay qaddiyad umadeed oo sharaf leh.

Halka ay jiraan qaar kale oo Sayidka ku dhaliila inuu xoog dheeraad ah u adeegsan jirey qofkii ay xitaa aragti ahaan is khilaafaan iyo sidoo kale dhibaato ay ka tirsanayaan Daraawiishta oo xoolo badan ka qaadi jirey dadka shacabka ah, iyadoo la gaalaysiinayo qofkii diida. Qaar kale ayaa jira oo intaa kasii xag-jirsan oo qaba in qaybin iyo qabyaaladi ay ka muuqato suugaanta Sayidka.

Sayidka ayaa sidoo kale taallo looga dhisay magaalada Jigjiga oo haatan hoos tagta xukunka Itoobiya, taasoo ay dad badan oo waddani ihi ku tilmaameen mid aan u qalmin Sayidka oo si kastaba ahaa nin gumaysiga nebcaa isla markaana qadiyaddii uu u dagaallamayey ay koow ka ahayd sidii Soomaali ahaan lagaga xoroobi lahaa gumaysiga ay Itoobiya ka mid tahay.

Dad kale ayaa qaba in u magac bixinta hay’aadka dadwaynaha ay muhim tahay inay u dhoornaato DF Somalia, iyadoo la xeerinayo waxyaabo badan, iyadoo ay haatan socoto in garoon kasta uu maamul magacyo iskaga bixiyo.

Hadalsame Media