Waa maxay XAALAD DEG DEG ah, maxaa se ka ratibma?

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2019 – Dhawr qof baa illaa maanta i soo waydiiyey faahfaahin ku saabsan saamaynta ay leedahay Xaaaladda Deg degga ahi.

Waxa ugu xiise badnaa qof iga soo weydiiyey Gobolka Sanaag su’aal ahayd; ”Macalin, gaadiidku ma soconayaan?!” Malahay wuxu rabay in uu degdeg uga baxo intaanay joogsan. La yaab ma laha dadku, sababta oo ah weligood maysan arag Xukun ama Xaalad Deg deg ah.

Halkan baan ku soo koobay jawaabihii

Marka dal ay la soo gudboonaadaan xaaladaha masiibo Qaran, iska-hor-imaad iyo qalalaase shacab, ama xaalado khatar ku ah Amniga Qaranka, Haddii ay ku waafaqaan Golayaasha Sharci-dejintu, Xukuumaddu waxa ay dastuuriyan xaq u leedahay in muddo cayiman oo la’isla og yahay ay dalka ama qayb kamid ah dalka ay geliso Xaalad Degdeg ah (State of Emergency).

Awoodo badan oo dheeraad ahna waxa yeelanaysa Xukuumadda oo ay ku baal-mari karto hab-raacii hore ee xiliga nabadda. Muddada lagu jiro Xaaladda Degdegga ah; Shuruucda, hab-dhaqanka dowladnimo iyo xoriyaadka dadweynaha ayay saamayn mug leh ku yeelataa Xaaladdaasi.

Faa’iidada Xaaladda Degdegga ah

Soo celinta amniga iyo kala dambaynta;
waxa suurta-gal ah in la sugo amniga, lana soo celiyo sharciga iyo kala dambaynta dalka ama qaybta kamid ah ee la saaray Xaaladda Deg degga ah.

Baajinta Fiditaanka Fidmada
Waxa kale oo suurtagal ah in la baajiyo ama
ugu yaraan la daciifiyo qalalaase ku sii fidi lahaa qaybo kale oo dalka kamid ah.

Soo Celinta Kalsoonida Shacabka
Marka ay dhacaan xaaladaha aan kor ku soo xusnay ee kala ah Masiibo Qaran, iska-hor-imaad iyo qalalaase shacab, ama xaalado khatar ku ah Amniga Qaranka, waxa luma ama yaraada kalsoonida shacabku ku qabaan xukuumaddooda, iyaga oo ka aamin baxa difaaca iyo daryeelka xukuumadda.

Sidaas darteed, haddii si foojigan oo qorshaysan loo dhaqan-geliyo xukunka, lagana fogaado tacaddi iyo dhibaato Xaaladda Deg degga ah, waxa uu xukuumadda loo soo celin karaa Kalsoonidii shacabka.

Sida uu yeelay 4 bilood kahor Madaxeynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu dami waayey kacdoonkii Shacabka ee Yellow Vest.

Khasaaraha Xaaladda Degdegga ah

Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Maalgashiga:
Waxa dhici karta in uu hoos u dhaco ganacsiga iyo dhaqaaluhu. Waxa yaraada isu-socodka iyo wax kala iibsiga taas oo wiiqda ganacsiga. Sidii sanadkii dhoweyd ka dhacday Papua New Guinea kaddib Xaaladdii Deg degga ahayd.

Tacadiyo Nafeed
Ciidamada ayaa awood badan oo dheeraad ah la siiyaa kaddibna waxa dhaca tacadiyo ay marmarka qaar geystaan ciidamada amniga laftoodu kaddib marka la siiyo fasax aan xakame lahayn sida toogashada tooska ah (right to shoot) sidii ka dhacday Gobolka Oromiya ee Ethiopia iyo meelo kale.

Doorashooyinka
Waxa dib u dhaca doorashooyinka laga qaban lahaa dalka ama gobolkaas la aaray Xaaladda Deg degga ah. Sidoo kale inta Xaaladda Deg degga ah lagu jiro waxa aan suurta geli karin is-diiwan-gelin, iyo samayn isu soo baxyo siyaasadeed.

Awoodaysashada Hay’adaha Amniga
Waxa awood yeesha hay’adaha amniga oo xukunka degdegga ah kaddib ay ku adkaataa in ay mustaqbalka waajibaadkooda u gutaan si shuruucda iyo dastuurka waafaqsan.

Hay’adaha Gargaarka
Haddii Xaaladda degdegga ahi tahay mid amni, waxa shaqadooda yareeya, hakiya ama gobolkaas ba ka baxa Hay’adaha Gargaarka ee Caalamiga ah. Maaddaama ay jiraan xaaladaha keenay Xaaladda Degdegga ah.

Xuquuqul Insaanka (Human Rights)
Xoriyadaha hadalka, isu-socodka, isu-imaatinka, shirarka, warbaahinta iyo bannaan-baxayada oo dhammaantood ah xuquuq dastuuri ah ayaa la joojiyaa ama ugu yaraan la xakameeyaa. Taasina waxay keentaa nac aan loo baahnayn sidii dhawaan ka dhacday xaaladihii degdegga ahaa ee Sudan iyo Maldives

Xadhig iyo Xabsi aan Waaran lahayn
Maaddaama lagu shaqaynayo Xaalad Deg deg ah oo ay bannaan tahay waddo kasta oo lagu sugi karo amniga iyo kala dambaynta, marka dalka ama gobolku ku jiro Xaaladaas Deg dega ah, muwaadinka la tuhmo ama fal-dembiyeed lagu qabto waa la xidhi karaa barwo (waaran) la’aan, la hayn karaa, lana baadhi karaa muddo aan cayinayn iyada oo aan Maxkamad la’geyn. Arrintaas ayaa dhaawac gaadhsiisa xuquuqda muwaadinka oo ah aasaasiyaadka koowaad ee dastuurradu ilaaliyaan.

Maayarrada (Duqoow magaalo) iyo Golayaasha Dowladaha Hoose:
Maayarrada iyo Golayaasha la doorto ee Gobolladaas Xaaladda Deg degga ahi si weyn bay u saamaysaa, taladana waxa la wareegta Dowladda dhexe.

Haddii muddada Xaaladda Degdegga wax ku dhammaan waayaan;
Dhibaatada ugu weyn ee Xaaladda Deg dega ahi waa In muddadaas wax ku hagaagi waayaan. Haddii ay sidaas noqoto Dowladuhu waxay dalbadaan muddo kororsi Xaalad Degdeg ah oo kale.

Ugu dambayn
Rasuulku (CSW) wuxu yidhi; Dabka ama is-gubistu waa dawada ugu dambaysa ee la isku daweeyo (Alwikaa’u aakhirul cilaaj).

Sidaas darteed, maaddaama Xaaladda Deg degga ahi tahay usha ugu dambaysa ee shacabka, dowladuhu kuma deg degaan soo rogista State of Emergency-ga ee waxa ay beddelaan siyaasadda, qorshaha iyo masuuliyiinta gobolkaas ama maamulka degmadaas mashaqadu ka taagan tahay.

Aabbaha caruurtiisa bara usha iyo dilmada marka dambe isaga laftiisa ayay isku soo taagaan!

Waxaa Qoray: Cismaan Abokor Dubbe

Hadalsame Media