”Waa nin caddaystay ”Yuhuud nacayb!” – Warside Israeli ah oo weerar ku qaaday Agaasimaha Madaxtooyada Somalia

0

(Tel Aviv) 30 Abriil 2019 – Diblomaasiga Cabdullaahi Dool oo ka mid ahaa saraakiisha Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa beri dhowayd xilka laga eryey kaddib markii uu si cad ugu ololeeyay xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara Somalia iyo Israel, jeer aysan jirin siyaasad cusub oo ay soo bandhigtay DF Somalia.

Sidaa darteed, waxaa dadkii arrintaa ka hadlay ka mid ahaa Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Axmed.

Haddaba, waraysi cusub oo aad u dheer oo uu Cabdullaahi Dool siiyay warqaadka caanka ah ee kasoo baxa Israel ee Times of Israel ayaa lagusoo hadal qaaday Twitter uu Cabdinuur ku cambaaraynayey tillaabada Dool, kaasoo sidii caadada ahaydba uu Wargaysku ku tilmaamayo ”Yuhuud nacayb!”

Waa tan su’aashii arrintaa khuseeynaysey oo aanu soo jarnay:

SU’AAL: Sidee ku dhacday in Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxwaynaha, Abdinur Mohamed uu si furan u yahay nin ”Yuhuudda neceb” isla markaana aan la gabbanaynin cuqdadda uu u qabo Israel? Waxaan caddayn ahaan u haysannaa tweet-kiisii.

JAWAAB: ”Ma qabo in Madaxwaynaha ama Raysalwasaaruhu ay dhaqan noocan ah dowladda u ogolaanayaan. Sida aad ogtahay dalkeennu wuxuu ku tiirsan yahay samadoonnimada iyo taageerada beesha caalamka, dhaqamada Yuhuud nacaybkuna dowladdeenna dhexdeeda waa mid laga aqbali karin haddiiba aan lagu fikiri karin.” ayuu ku jawaabey Dool.

”Dulqaad yaridu waxay ka horjeeddaa wax kasta oo aannu dal ahaan u taagan nahay. Maadaama aad arrintan soo qaadday, waxaan is waydiinayaa haddii uu isagu (Cabdinuur) uu eedaysane u noqon doono hay’adda Simon Wiesenthal Foundation oo diiwaan gelisa arrimahan oo kale. Waxaan rajaynayaa inaysan sidaa noqon!” ayuu daba dhigay.

Israel ayaa caado u leh in ay wax kasta oo daneheeda dal ahaan kasoo hor jeeda ay u fasirto ”Saami nacayb” tiiyoo ay jirto in Carabta oo boqol jeer iyada ku laalaabanta ay lafteedu Saami tahay, Yuhuudda lafteeduna ay Carabta neceb tahay.

Hadalsame Media