Maamulka Gobolka Banaadir oo la guddoonsiiyay gaadiid kala nooc ah + Sawirro (Degmooyinka ka faa’iidaysan doona)

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2019 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta gaadiid iskugu jira dab-damisyo, dhoolli ama ambalaasyo iyo booyado ka guddoomey Midowga Yurub.

Waxaa deeqdan guddoomey duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), munaasabad ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Waxaana laga guddoomey Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Pinji Gardiola, gawaari dab-damis ah oo loogu tala galay in ay ka howlgalaan xarumaha dab-damiska ee Gobolku ka hergeliyay Degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Hadalsame Media